Shabellaha Hoose: Xildhibaanno eedeymo u jeediyay maamulka Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO – Iyadoo weli socda gulufyo xooggan oo ka dhan ah kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay inay dhigaan jidgooyooyin deegaanada gobolka Shabellaha Hoose, islamarkaana qaar ka mid ah raggaasi ay maxkamadda ciidamada qalabka sida u jartay xukunno dil iyo waraan soo qabasho, haddana waxaa sii kordhaya xiisadaha siyaasadeed ee ka imanaya qaar ka mid ah xildhibaannada federaalka.

 

Xildhibaan Caanooy, oo ka tirsan Golaha Shacabka islamarkaana kasoo jeeda beelaha dega Shabellaha Hoose, ayaa maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyay inuu xiriir hoose la leeyahay ururka Al-Shabaab. Xildhibaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay “heshiis” ku dhisan is-faham wadaagaan, isla markaana aysan jirin dagaal dhab ah oo maamulku kula jiro kooxdaas.

Sidoo kale, Xildhibaan Caanooy ayaa xusay in Xildhibaan Daahir Jeesow lagu cadaadinayo sababta uu ula dagaallamay Al-Shabaab, islamarkaana maamulka Koonfur Galbeed ay dowladda dhexe u gudbiyeen codsi ku saabsan in loo soo gacan geliyo. Maamulka KGS ayaa dhankooda Jeesow ku eedeeyay inuu hurinayo colaadaha beeleed ee dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Shabellaha Hoose.

Hadalka Xildhibaan Caanooy ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan cabashooyin iyo eedeymo ka imaanaya siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ka tirsan beesha Gaaljecel, kuwaas oo maamulka Koonfur Galbeed ku dhaliilaya in uu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad si dhab ah ula dagaallamaya Al-Shabaab.

Xaaladda gobolka Shabellaha Hoose ayaa ah mid weli kacsan, iyadoo falalka hubeysan iyo khilaafaadka siyaasadeed ay weli saamayn ku yeesheen nabadgelyada iyo howlaha amni ee deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here