Shacabka Sabiid iyo Caanoole oo Sheegay in Loo diiday Inay Guryahooda Ku Laabtaan

0

SABIID – Qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in laga hor istaagay in ay dib ugu laabtaan guryahooda iyo beerahooda, kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay dhawaan dib ula wareegeen deegaannadaas.

Dadkaas ayaa sheegay in ay yihiin dad barakac ah oo aan weli loo oggolaan in ay ku laabtaan guryahooda, halka ay sidoo kale sheegeen in dad aan la aqoon ay gubayaan guryahooda si ula kac ah.

Nabadoonno ka tirsan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale ay jiraan dad laga soo xir xiray Sabiid iyo Caanoole oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.

Waxay dowladdu ka codsadeen in dadkaas dib loogu celiyo deegaannadooda loona oggolaado in ay si nabad ah ugu noolaadaan.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la baaro ciddii ka dambeysay gubista guryaha shacabka, ayna Dowladda qaaddo tallaabo sharciga waafaqsan.

Deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda kadib markii ay horay uga soo baxeen ciidamada.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AUSSOM ayaa halkaasi kula dagaallamaya kooxda Al-Shabaab oo weli ka howlgasha qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here