Muqdisho – Shaqo la’aan baahsan, dhaqaale xumo, iyo rajo la’aan joogto ah oo ay wajahayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ayaa sii kordhisay tirada dadka tahriibaya, iyadoo musiibadii ugu dambeysay ay ka dhacday Badweynta Atlantic-ga halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 tahriibayaal Soomaali ah.
Wararka laga helay warbaahinta dalka Spain ayaa sheegaya in doontii ay saarnaayeen dhalinyaradaasi ay ku wajahneyd magaalada xeebeedka Palma ee dalka Spain, balse ay ku burburtay badda xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan Atlantic-ga. Waxaa la badbaadiyay oo kaliya labo qof, kuwaas oo xaaladooda caafimaad ay liidato.
Doontan ayaa la sheegay in ay saarnaayeen in ka badan labaatameeyo qof oo kasoo jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo SSC Khaatumo, kuwaas oo ka cararay fursad la’aanta iyo cadaalad darrada ka jirta shaqooyinka dalka.
Dadka deegaanka iyo ehelada ayaa sheegay in dhalinyaradan ay ka niyad jabeen mustaqbalka dalka, taas oo keentay in ay khatar u guntadaan si ay nolol ka helaan qurbaha.
Dhibaatooyinkan ayaa qeyb ka ah mowjad tahriib oo si xawli ah u korortay sanadihii u dambeeyay, iyada oo dhalinyaradu ay arkaan in dalkooda ay ka jirto musuq maamul, cadaalad darro, iyo maamul xumo, taasoo meesha ka saartay kalsoonidii ay ku qabeen inay mustaqbal ku dhistaan gudaha Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadan murugada leh, isagoona si adag u dhaliilay dowladda hadda jirta, oo uu ku eedeeyay in ay dayacday dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda nolol raadis ugu dhamaanaya badaha caalamka.
Dhacdadani waxay daba socotaa musiibo kale oo dhowaan ka dhacday Badweynta Hindiya, meel u dhow Madagaskar, halkaas oo ay ku dhinteen 24 tahriibayaal Soomaali ah. Tani waxay mar kale iftiiminaysaa heerka ay gaartay rajo beelka iyo cadaadiska nololeed ee haysata dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dalka Soomaaliya ayaa wali wajahaya caqabado badan oo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, waxaana loo baahan yahay dadaal qaran oo dhab ah si dhalinyarada loogu abuuro fursado ay dalkooda kaga helaan nolol sharaf leh.



