JOWHAR (SMN) – Howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa weli ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu baadi goobayo shaqsiyaadkii ka dambeeyay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.
Ciidamada HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa in magaalada Jowhar ay kasoo xireen shaqsi ku eedeysan falkaasi oo kasoo baxsaday Ceel Baraf, waxaana hadda gacanta ku dhigeen hay’adaha amniga.
Sidoo kale ciidamada ayaa weli ku raad joogo shaqsi kale oo isna loo haysto inuu qayb ka ahaa dhacdada dilka ee dhalisay carada xooggan.
Horay ciidamada dowladda ayaa Ceel Baraf uga soo xiray guddoomiyihii deegaankaasi iyo odayaal, kuwaas oo loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho, waxaana loo haystaa inay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saarneyd dhacdadaasi.