MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir warsaxaafadeed usoo saaray ayaa ka hadlay dhul boobka Muqdisho.
Siyaasiyiintan oo hadda mucaarad ah ayaa uga digay ganacsatada in aysan ku kadsoomin dhulalka danta guud oo ay sheegeen in loo iibinayo si sharci darro ah.
“Waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
 Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka;-