Muqdisho – Mas’uuliyiin siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Musharax Madaxweyne ahna Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah ku yeeshaan guriga madaxweynihii hore, si ay uga arrinsadaan xaalad cusub oo ka dhalatay is hortaag lagu sameeyay.
Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane, gaar ahaan The Airport Hotel oo ay degan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Rooble oo damacsanaa in uu ka galo dhinaca Marina Gate ayaa la sheegay in loo diiday gelitaanka, islamarkaana lagu amray in uu dib uga laabto.
Agaasime ku-xigeenka Shabelle Media Network Maxamuud Soofeysane, oo la socday kolonyada Ra’iisulwasaarihii hore, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay haatan ku sugan yihiin guriga madaxweynihii hore, halkaas oo ay ka socdaan wadahadallo ku saabsan tallaabada laga qaadayo is hortaagga lagu sameeyay.
Kulankan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sida looga falcelinayo dhacdadan iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta ku lugta leh.




