Shariif Sheekh Axmed oo kulan casho sharafeed ah la qaatay agaasimayaasha warbaahinta maxalliga ah

0

MUQDISHO — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa kulan casho sharafeed ah la qaatay agaasimayaasha warbaahinta maxalliga ah, kulan diiradda lagu saaray doorka warbaahinta ee dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

 

Intii uu kulanku socday, Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay warbaahinta gudaha kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan wacyigelinta bulshada, nabadeynta iyo horumarinta dowladnimada, isagoo ku bogaadiyay agaasimayaasha inay joogteeyaan shaqada ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in warbaahin xor ah oo mas’uul ah ay laf-dhabar u tahay dimuqraadiyadda iyo isla xisaabtanka, islamarkaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo madax-bannaanida saxaafadda.

Dhankooda, agaasimayaasha warbaahinta ayaa uga mahadceliyay Madaxweynihii hore kulanka iyo aragtida uu la wadaagay, iyagoo si gaar ah u bogaadiyay mowqifka Xisbiga Himilo Qaran ee ku aaddan ilaalinta xorriyadda hadalka iyo warbaahinta xorta ah.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, people smiling and newsroomMay be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more people, people smiling and headscarf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here