MUQDISHO – Gollaha Shacabka ayaa la degay baaqashadda Fadhiyada, taasoo loo sababeeyo maqnaashaha Xildhibaanada, oo noqotay mid joogto ah oo xalkeeda wali la helin.
Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa digniin adag u diray Xildhibaanada aan cudur daarka ku maqnayn, ee aan soo xaadirin fadhiyada, iyagoo qaarkooda ku sugan Muqdisho.
Liiska Xildhibaanada maqan ayaa laga yeeriyay fadhigii Maanta, waxaana la ogeyn inay digniinta wax ka bedeli doonto baaqashadda kulamada Gollaha Shacabka ee BFS.



