Sheekh Shariif oo arrimo xasaasi ah uga hadlay kulankii BF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Shariif ayaa ka warbixiyay arrimo ku aadan dadaalladii dib u heshiisiinta ahaa ee uu ka sameeyay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo tilmaamay in dhib badan ay kasoo mareen xalinta colaad muddo dheer ka taagneyd gobolka Shabeelaha, taas oo lagu dhameeyay shirkii beelaha ee lagu qabtay deegaanka Burka Dirimeed.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in colaaadahaas ay sidoo kale saameyn ku lahaayeen xubnaha Al-Shabaab, isla-markaana ay iska horkeenayeen beelaha wada daga halkaasi.

Dhankaa kale Shariif ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka gaareen howllada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dhowaan heshiis nabadeed laga gaaray colaaddii ka taagneyd gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo u dhexeysay maleeshiyaad kasoo kala jeeda degmooyinka Cadale iyo Raage-Ceelle ee gobolkaasi, waxayna arrintaas ku timid kadib dadaal uu sameeyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kaashanayay madaxweynaha madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here