Muqdisho – Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xaaladda heyb-sooca iyo kala soocidda bulshada lagu sameynayo caasimadda Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid aad u xun oo lagu kala fogeynayo muwaadiniinta canshuuraha bixiya.
“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale cambaareeyay in shacabka Degmada Kaxda oo hore loo diiday xaquuqdooda deggenaansho, haddana lagu soo rogay cadaadis bulsho iyo in lagu qasbo isdiiwaangalinta hubeysan iyo geeddi-socod doorasho oo hal dhinac ah, taasoo ka hor imaneysa xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka qaybgalka doorashooyinka xor iyo xalaasha ah.
“Waxaan mar walba garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay,” ayuu ku adkeeyay Sheekh Shariif.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa uga digay guddiga doorashooyinka iney ka waantoobaan cadaadiska ay ku hayaan shacabka caasimadda, isagoo sheegay in hadda muuqato in lagu qasbayo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
“Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn,” ayuu sheegay.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha siyaasadeed ee doorashooyinka Soomaaliya ay sii kordhayaan, iyadoo shacabka qaar ay ka cabanayaan cadaadis iyo kala soocid dhinaca siyaasadda ah.




