Sheekh Shariif oo cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa cambaareeyay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay maqaayada Top Coffee oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkan, halka uu kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Makhaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho caawa.

Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka.

Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here