MUQDISHO, Soomaaliya, 28 May 2025 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu ka baxay mowqifkii uu hore u taagnaa marka la eego arrimaha doorashooyinka dalka.
Isagoo ka hadlayay shir ay mucaaradku ku leeyihiin magaalada Muqdisho, Sheekh Shariif ayaa si cad u xasuusiyay shacabka iyo saaxiibada siyaasadeed in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saddex sano kahor si adag uga horyimid doorasho aan loo dhanayn — tii hadda uu isagu doonayo in lagu dhaqmo.
“Sedex sano kahor Madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo halkan nala fadhiya ayuu diidanaa doorasho aan la isku raacsanayn, maanta se isagaa wada. Maxaa iska bedelay mowqifkiisii?” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli mucaaradka ay cadaadis siyaasadeed saarayaan Villa Soomaaliya, iyagoo ku baaqaya in doorashada 2026 ay noqoto mid waqtigeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.
Sheekh Shariif, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus mucaaradka, ayaa sidoo kale digniin ka diray isku day kasta oo lagu marin habaabinayo geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed u qalmaan hoggaan hufan oo daacad u ah ballanqaadyadiisa.




