Sheekh Shariif oo Hambalyo u diray CXD oo u dabaal-deya Sanadguurada 65-aad ee aas-aaskooda

0

MUQDISHO, Soomaaliya  – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif codkiisa ku biiriyay Hambalyadda Sanadguurada 65-aad ee Xoogga dalka.

 

“Waxaan Hambalyo ku aadan sanad-guurrada 65-aad ee aas-aaskooda u dirayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhidibada loo taagay 12-ka April, sanadkii 1960-kii.

Munaasabada sannad-guurada 65-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waa maalin taariikhi ah waxayna markaan kusoo aaday xilli ay ciidanka xoogga dalka ku jiraan howgallo ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana mar kale boggaadinayaa geesiyaasha naftooda u huray difaaca diinta, dadka, dalka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda qaranka waxaan ku boorrinayaa in loo baahanyahay in ciidanka si gaar ah looga fakaro daryeelkooda guud ahaan maadama ay har iyo habeen difaacyada iyo furimaha dagaalka ugu jiraan difaaca shacabka iyo danaha qaranka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here