CADALE (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowaddii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Shabeelaha Dhexe ayaa ku baxay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday gobolkaasi, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Raaga-Ceelle iyo Cadale oo ku teedsan dhanka xeebta.
Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaas oo u dhexeeyo laba beelood oo walaalo ah, isla-markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.
Shariif oo ay la socdaaan odayaasha dhaqanka deegaanka iyo madax ka tirsan HirShabelle ayaa waxa ay ku guuleysteen inay xabad joojin kala dhex dhigaan labada dhinac.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in la’isugu yimaado shirweyne dib u heshiisin ah, si xal waara looga gaaro colaadda ka taagan halkaasi.
Dagaal beeleedkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka, wuxuuna ka faafay deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.