MUQDISHO (SMN) – Xisbiga Himilo Qaran ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa taageero u muujiyay madaxweynaha Jubbaland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo salka ku haya doorashada.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa si weyn loogu boggaadiyay go’aanka Axmed Madoobe ee la xiriira magacaabista guddiga doorashada maamulkaasi.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada Dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Si kastaba, waxaana tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ka hortimid dowladda dhexe oo shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin doorasho ka dhacda Kismaayo.