Sheekh Shariif Sheekh oo Ka Digay Qalalaase Siyaasadeed iyo Amni oo Dalka Kusoo Fool Leh

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo muujiyey walaac xoogan oo ku aaddan jihada uu dalka ku socdo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday hannaanka doorasho oo aan lagu heshiin, islamarkaana ay ku dhaqaaqday waddooyin khaldan oo laga yaabo in ay dhaawacaan midnimada iyo xasilloonida dalka.

“Waa nasiib darro in lagu dhiirrado in la qabto doorasho aan lagu heshiin, laguna saleeyay hab qof doon ah oo xukun lagu raadinayo iyadoo awood qori lagu diiwaan gelinayo,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Wuxuu intaa ku daray in haddii xaaladdan lagu sii socdo, ay dalka gelin karto marxalad qalalaase siyaasadeed ah oo keeni karta in amniga uu mar kale faraha ka baxo.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale xusay in muddo xileedka dowladda hadda jirta uu gabaabsi yahay, iyadoo ay ka harsan tahay wax ka yar 8 bilood, maadaama uu ku egyahay 15-ka May 2025.

Madaxweynihii hore ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadallo siyaasadeed oo dhab ah, si looga fogaado dib u dhac, burbur amni iyo khalkhal siyaasadeed oo dalka dib u celin kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here