MUQDISHO – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay warqad uu Senator Ted Cruz u diray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, taasoo uu kaga codsaday in Mareykanku aqoonsado Somaliland.
Safaaradda ayaa tallaabadaas ku sheegtay mid si cad u faragelinaysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana wax u dhimaysa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in codsiga Senator Cruz uu yahay weerar toos ah oo lagu hayo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana uu muujinayo “dhaqan kali-talisnimo iyo cabburin siyaasadeed” oo ay siyaasiyiin Mareykan ah ku hayaan dadka Soomaaliyeed.
“Faragelintani waxay si cad u jabinaysaa qawaaniinta caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo dhowrista madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah QM ka dhigaya tiir muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.
Shiinaha ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aaddan arrinta Taiwan, isagoo ku tilmaamay qeyb aan ka go’i karin dhul-weynaha Shiinaha, islamarkaana kasoo horjeestay gooni-u-goosadka Taiwan iyo taageerada ay siiyaan quwadaha shisheeye.
Safaaraddu waxay sheegtay in Beijing xaq buuxa u leedahay inay tallaabo kasta ka qaado si ay u difaacdo midnimada dhulkeeda iyo madax-bannaanida qarankeeda.
Falcelinta Shiinaha ayaa timid kadib markii Senator Ted Cruz, oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka arrimaha Afrika ee Senate-ka Mareykanka, uu warqad rasmi ah u diray Trump 14-kii Agoosto, taasoo uu ku dalbaday in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.
Warqadda Cruz ayaa ku andacoonaysa in Somaliland ay noqotay saaxiib muhiim u ah Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, iyadoo sidoo kale lagu xusay xiriirrada ay la yeelatay Taiwan, rabitaankeeda ay ku doonayso xiriir la leh Israel, iyo taageerada ay u muujisay heshiisyada Abraham Accords.
Cruz ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xisbiga Shuuciga Shiinaha inuu adeegsanayo cadaadis diblomaasiyadeed iyo dhaqaale si uu u ciqaabo Somaliland, maadaama ay taageertay Taiwan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si adag uga hortimid codsiga Cruz, iyadoo sheegtay in aqoonsi la siiyo Somaliland uu carqaladeyn karo dadaallada lagu wiiqayo kooxaha xagjirka ah, ayna dhaawici karto midnimada dalka.
Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991, weli ma helin aqoonsi caalami ah, hase yeeshee waxay si weyn usoo dhoweysay tallaabada uu qaaday Senator Cruz.




