MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul uga falcelisay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo si gaar ah u cambaareysay booqashadii dhawaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, uu ku tagay Taiwan, halkaas oo uu kula saxiixday dhiggiisa heshiis wada-shaqeyneed oo la xiriira ilaalinta xeebaha.
Safaaradda ayaa arrintan ku tilmaantay mid si bareer ah uga hor imaneysa mabda’a “Shiinaha keliya”, isla markaana dhaawaceysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo danaha qaranka Shiinaha. Afhayeenka safaaradda ayaa si toos ah uga digay in maamulka Somaliland uu sii wado xiriirka Taiwan, isagoo sheegay in ay dowladda Shiinaha qaadeyso talaabo kasta oo ku ilaalinayso madax-banaanideeda, ugana hortagayso faragelinta dibadda.
“Taiwan waa qayb aan ka go’in dhulka Shiinaha, mana ahan hadda, mana noqon doonto mustaqbalka waddan madax-bannaan. Sidaas darteed, iskaashi kasta oo uu maamulka Somaliland la yeesho Taiwan waa mid sharci darro ah, wax faa’iido siyaasadeed ahna u keeni maayo Somaliland,” ayuu yiri afhayeenka.
Safaaradda Shiinaha waxay si toos ah ugu baaqday maamulka Somaliland in uu dib uga fiirsado xiriir kasta oo aan la jaanqaadeyn sharciga caalamiga ah iyo mowqifka beesha caalamka ee ku aaddan Taiwan. Waxay sidoo kale xustay in Somaliland weli tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, islamarkaana Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Digniinta Shiinaha ayaa imaneysa xilli ay Somaliland iyo Taiwan xiriirkooda si weyn u xoojiyeen tan iyo sanadkii 2020, markaas oo ay labada dhinac si rasmi ah isu waydaarsadeen xafiisyo matalaad diblomaasi ah. Iskaashiga labada dhinac ayaa ballaaranaya, iyadoo ay jiraan mashaariic kala duwan oo ku saabsan waxbarashada, caafimaadka, beeraha, teknoolojiyadda iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah.
Dhinaca kale, Taiwan waxay sheegtay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Somaliland, iyadoo xustay in ay muhiimad gaar ah u leedahay yeelashada saaxiibo Afrikaan ah oo aaminsan qiyamka dimoqraadiyadda iyo xorriyadda.
Si kastaba ha ahaatee, digniinta adag ee ka timid Shiinaha waxay sare u qaaday xiisadda ka dhex aloosan Shiinaha iyo Taiwan oo qarka u saaran inay dagaalamaan – taas oo laga yaabo in ay culeys hor leh kusoo kordhiso dadaallada Somaliland ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah.




