MUQDISHO – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu soo xiray shir muhiim ah oo laba maalmood socday, kaasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka kala socday Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada amniga ee dowlad-goboleedyada dalka.
Shirkan oo la qabtay maalmaha Talaado iyo Arbaco ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heerarka kala duwan ee dowladeed, si loo adkeeyo wadajirka amniga qaranka.
Danjire Aweys ayaa ku tilmaamay shirka mid guul ah, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada amni ee dalka.
“Waa arrin dhiirigelin leh inaan aragno sida ay u wada shaqeynayaan xafiisyada amniga ee heer qaran iyo dowlad-goboleed, anagoo si wadajir ah uga shaqeyneyna nidaam amni oo mideysan, isla markaana mudnaan siinayna dedejinta maamulka amniga,” ayuu yiri Danjire Aweys.
Intii uu socday shirka, waxaa la isla meel dhigay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Qeexidda waajibaadka iyo howlaha guddiyada amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed;
Dardargelinta hindise-sharciyeedka dhismaha guddiyada amniga ee dowlad-goboleedyada;
Xoojinta doorka Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo hay’adaha amniga ee dowlad-goboleedyada;
Horumarinta habraacyo mideysan iyo go’aan qaadasho wadajir ah oo la jaanqaadaysa baahida amni ee dalka;
Sugidda madax-bannaanida dalka iyo ilaalinta bedqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Shirka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in qaab-dhismeedka cusub ee Amniga Qaranka, oo la cusbooneysiiyay bishii Maarso 2023, uu yahay tiir muhiim u ah sidii loo heli lahaa nidaam amni oo hufan, waara, lagana wada shaqeeyo.
Danjire Aweys Yuusuf ayaa ka qaybgalayaasha u xaqiijiyay in xafiiskiisu yahay mid had iyo jeer u furan wada-tashi iyo iskaashi joogto ah, isaga oo xusay in sugidda amniga qaranka ay tahay arrin saameyn ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed dhinac walba.




