MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Wakiillo ka socday Midowga Afrika, dowladda Federaalka iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay shir afar maalmood socday oo lagu gorfeeyay howlgalka cusub ee AUSSOM, kaasoo wali lasoo dhameystirin askarta ka qeybgalaysa.
Shirku wuxuu ka dhacay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, waxaana lagu ansixiyay qorshayaasha qeybinta iyo dejinta ciidamada ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Masar ayaa la filayaa inay qeyb ka qaadato, oo in ka badan 1,000 soo dirto.
Billy Atwoki Winter, oo ah madaxda wakiillada AUC, ayaa sheegay in mid ka mid ah natiijooyinka muhiimka ah ee shirkan yahay dhammaystirka qorshaha la dagaalanka Al-Shabaab, awoodaha hawlgalka iyo saadka ee ciidamada iyo booliska AUSSOM.
Shirku wuxuu sidoo kale ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday Hawlgalka AUSSOM, kaasoo la qorsheeyay inuu si buuxda uga hawlgalo Soomaaliya 1-da Luly 2025.
La-taliyaha Sare ee Difaaca Madaxweynaha Soomaaliya, Jihan Cabdullaahi Xasan, ayaa sheegtay in qorsheynta AUSSOM “ay tahay inay ku saleysnaato aragtida amniga qaranka ee Soomaaliya si loo hubiyo in bilowga hawlgalku uu noqdo mid mira-dhal ah, waara, isla markaana lagu shaqeeyo casharadii laga bartay hawlgallada hore ee ATMIS.
AUSSOM ayaa bedelay ATMIS 1-da January 2025 wuxuuna ku shaqeeyaa qaab cusub oo hawlgal oo ay ansixiyeen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika bishii August 2024.
Shirku wuxuu sidoo kale ka hadlay dhammaystirka xadeynta aagagga iyo goobaha hawlgalka, waxayna ku heshiiyeen qorshayaasha qeybinta ciidamada iyo booliska, oo ay ku jiraan qorshayaasha dib u soo celinta, iyo isbeddelo istiraatijiyadeed oo lagu xoojinayo dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo diyaar garowga degdegga ah.