Shir looga hadlayay amniga Muqdisho oo lagu qabtay Dharkenley + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa xarunta Degmada Dharkeenley kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha iyo Saraakiisha Amniga Qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.

 

Kulanka ayaa la isaga xog-wareystay xaaladihii ugu danbeeyay ee Amniga Degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Kaxda, Dayniile iyo Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan Amniga Bishii April ee lasoo dhaafay iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga Qeybta Galbeed iyo guud ahaan kan Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in kulankaan uu qeyb ka yahay kulamo si gooni gooni ah lala yeelanaayay qeybaha Gobolka Banaadir si loo dar-dargeliyo Amniga, Asigoona Saraakiisha kala gedisan iyo Madaxda Maamulada Degmooyinka kula dar-daarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo sugidda Amniga, si loogu hortago dhagaraha cadowga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here