Shir looga hadlayey ammaanka oo ka dhacay magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (SMN) – Gudoomiyaha gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa  maanta shir Gudomiyey shir looga hadlayay Amaanka  gobalka Hiiraan, gaar ahaan magalada Beladweyne oo ah xarunta looga arrimyo gobalka Hiiraan.

Shirka ayaa waxaa qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Degmada Baladweyne iyo Sarakiisha Ciidamada.

Ugu horeeyn guddoomiyaha ayaa  warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida, asigoo kula dardaarmay xoojinta Amaanka guud ee magalada Baladweyne.

Sidoo kale gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaarsan yihiin doorka kaga aadan qabashada iyo ka shaqeynta Doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here