Shir Muhiim ah oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

0

Muqdisho [SMN] — Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda oo looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

 

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’addaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha Qaranka.

May be an image of 8 people, people studying, table, dais and textMay be an image of 3 people, people studying, dais and newsroomMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here