Shir u dhexeeyay Mw Xasan, Xamza iyo Axmed Madoobe oo la’isku mari waayay

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino ayaa waxaa lagaa helayaa shir gaar ah oo xalay ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

 

Wararka ayaa sheegaya i  la isku mari-waayay qodobada la xiriira Doorashooyinka, dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada kale marka reebo Jubbaland ay ku mideysan yihiin in doorasho toos la galo, iyadoo Jubbaland ay doonayso in doorashadeeda ay si gaar ah u qabsato.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe.

Wada-hadallada ayaa sii socda, ayada oo madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso in shirka uu kusoo dhammaado is fahan la xiriira doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here