Shirka amniga DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka Amniga Federaalka, S/Guuto  Cabdulaahi  Sheelkh osmaaciil  Fartaag  ayaa maanta Magalada Dhuusamreeb ee Caasimada Dowladda Galmudug ka daahfuray shirka wadatashiga Hormarinta Amniga ee Wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Boliiska heer faderaal iyo heer Dowlad goboleed.

 

Shirkaan oo ay marti galisay markii ugu horaysay Dowladda Galmudug ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Amniga DFS S/guuto Cabdulaahi Sh.ismaaciil Fartaag  /Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi maxamed kaniif ,Wasiirada Aminga iyo Taliyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada dalka, Golaha wasiirada Galmudug

Shirkan oo ah mid looga hadlayay Istiraatijiyada Amniga dalka iyo qorshaha wadajirka Boliiska ayaa waxaa ugu horeyn hadal kajeediyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Amniga DFS

Wasiirka Wasaaradda Amniga DFS mudane Cabdulahi Shiiq Ismaciil (Farataag) ayaa ka warbixiyay ujeedada shirkan iyo muhiimadiisa. Iyo Tayeyta Ciidanka Boliiska Heer  Federaal iyo Dowlad Gobeelkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here