LASANOOD – Waxaa la filayaa in maalinta berrito ah si rasmi ah uu uga furmo magaalada Laasacaanood shir lagu dhisayo maamulka SCC Khaatumo, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer gobol ah, iyo sidoo kale bulshada ka timid gudaha iyo dibadda dalka.
Shirka oo markii hore lagu waday in uu furmo maalintii Khamiista ahayd ayaa dib u dhacay sababo la xiriira wufuud muhiim ah oo imaan waayay waqtigii loogu talagalay. Balse mas’uuliyiinta qaban-qaabada ayaa xaqiijiyay in Sabtida uu si rasmi ah u furmi doono.
Shirka waxaa si toos ah u soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Wasaaraddaas uu shalay gaaray magaalada Laasacaanood si uu u kormeero diyaargarowga.
Mid kamid ah qodobada ugu culus ee miiska saaran ayaa ah damaca maamulka SCC Khaatumo ee ku aaddan gobolka Sanaag, si uu u helo laba gobol oo uu ku dhismo. Qodobkan ayaa dhaliyay cadaadisyo ka imanaya dhinacyo ay kamid yihiin Puntland iyo Somaliland.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa toddobaadkan uga digay maamulka SCC in uu damac ka yeesho gobolka Sanaag, taasoo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Arrintaas waxaa si kulul uga hadlay siyaasi Rashiid Diiriye Faarax oo kasoo jeeda deegaanada SCC, isagoo ugu baaqay Puntland inay joojiso “faragelinta ay ku heyso maamulka curdanka ah ee hadda dhismihiisa lagu jiro.”
Bulshada gobolka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haya waxa kasoo bixi doona shirka la filayo inuu berrito ka furmo Laasacaanood, kaas oo loo arko mid go’aamin kara mustaqbalka maamulka SCC Khaatumo.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

