Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

Shirkan oo ah midkii lixaad ee Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaa shir guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo sidoo kale ay goobjoog yihiin madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa shirka ka maqan madaxweynaha Puntland, Saciid Deni oo haatan ku howlan doorasho, sidoo kalena weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa shirka furmay goobjoog aheyn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdii Barre oo haatan ku maqan dalka Masar oo uu uga qayb-galayo shir Madaxeedka Sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad, dhammeystirka Deyn cafinta iyo waxyaabahii ka dhaqan galay shirarkii hore.

Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli adag, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo haatan ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here