DHUUSAMAREEB (SMN) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ku sii qulqulaya madax kala duwan oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed kuwaasi oo qaarkood gaaray saacadihii lasoo dhaafay.
Waqtiyada soo aadan ayaa lagu wadaa in magaaladaasi uu ka furmo shirka wadatashiga qaranka ee u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasi oo diirada lagu saari doono Amaanka, howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta iyo arimo kale oo quseeya ajandayaasha heer qaran.
Madaxda gaartay Dhuusamareeb waxaa kamid ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo madaxweynaha dowlad goboleeeka KGS Cabdicasiis Laftagareen.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sidoo kale madaxda Hirshabelle iyo Jubaland ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Magaalada waxaa ku sugan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo Hogaaminaya Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug, iyadoo ciidamada Dowlada iyo dadka deegaanka ay hormaro balaaran ka sameeyeen howlgalka kuwaasi oo la wareegay gacan kuhaynta degmada Ceelbuur oo sanado badan ay maamulayeen Al-Shabaab.
Tan iyo markii uu gaaray madaxweynaha magaalada Dhuusamareeb waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaaladaasi.
Shirka golaha wadatashiga qaranka ee ka furmaya Dhuusamareeb ayaa waxaa shir gudoomin doono Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kae, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaan la ogeyn inuu ka qeyb galayo shirkan maadaama Puntland ay ka maqneyd shirarkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowlada Soomaaliya.
Shirka golaha wadatashiga qaranka ee ka furmi doono Dhuusamareeb ayaa imaanaya xili dowlada Federaalka Soomaaliya Hormaro balaaran ay ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii ugu muhiimsaneed ay kala wareegtay.