Shirka guddiga joogtada ah ee BF oo markii ugu horreysay lagu qabtay Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Guddoomiyay kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ku qabsoomay Magaaladda Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

 

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu socda ay si mira dhal ah uga doodaan ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada Guddiga Joogtada ah ee maalmahan ka socon doona Magaaladda Kismaayo, waxaana kulamadaas looga doodi doonaa jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa xarunta Madaxtooyadda Dowlad Goboleedka Jubaland ee Magaaladda Kismaayo kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka oo ahaa mid soo dhoweyn ah ayaa Madaxweynaha Jubaland waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo isaga oo sheegay in ka dowlad goboleed ahaan ay soo dhoweynayaan in shirka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah lagu qabto Magaaladda Kismaayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ugu horeyn madaxda Jubaland Iyo shacabkooda uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu go’aansaday in shirarka noocaan wixii hada ka dambeeya lagu qabto dalka gudihiisa halka markii hore dalka dibadiisa loo aadi jiray.8ì

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here