Shirka horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socota.

 

Shirkan wadatashiga ah ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Benaadir si qorshe midaysan loogu wajaho horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ujeedka qorshaha cusub ee la dejinayo ayaa in ah kaalinta dhallinyarada ee mashaariicda magacooda ku socota iyagu ay hormuud ka noqdaan si ay u hubiyaan in maalingelinta loo sameeyo dhallinyarada ee Heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ay gaadhay waxyaabihii loogu talo galay.

Qorsheyaasha hortabinta u leh Istiraatiijiyadan cusub ee shanta sano ah waxaa ka mid ah xoojinta xirfadaha gaagaaban ee sahlaya inay dhallinyaradu si dhakhso ah ugu biiraan suuqa shaqada, xoojinta hal-abuurka iyo ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here