Shirka madasha bani’aadanimada Soomaaliya oo ka furmaya Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka ayaa maanta ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.

 

Shirkaan oo afar mar la qabto sanadkii ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda La-nina, ka hortagga leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha gargaar ee jira.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya wakiilo ka socda Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

#Chf2024 #Mogadishu #humanitarian.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here