Shirka ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo maalintii labaad galay

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaas oo  maanta lagu lafagurayo cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo shaqeysa urur Gobolleedka iskaasshiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

 

Shirka oo uu shalay furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa maanta ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka dalka, sidoo kale, waxaa lagu casuumay oo xiritaanka ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaysa ayaa Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka Cimilada gaar ahaan dhinacyada hawada, waxaa shirka sidoo kale, maanta uu daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Qaar ka mid ah Khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaya ayaa sheegay in Urur Gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika uu abuurayo iskaashi weyn in laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here