Shirka Xoojinta Amniga Xuduudaha Dalka oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

MUQDISHO – Maanta waxaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda lagu qabtay shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka, kaasoo ay shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

 

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada hay’adood.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda isku-dhafan ee maareynta xuduudaha dalka, iyadoo la falanqeeyey wadashaqaynta hay’adaha amniga ee ku hawlan sugidda xuduudaha.

Waxaa la soo bandhigay aragtida guud ee samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xuduudaha, doorka Ciidanka Booliska ee sugidda amniga, la-dagaallanka tahriibka sharci-darrada ah iyo dambiyada abaabulan, iyo sidoo kale diyaarinta qabo-qoraalka siyaasadda qaran ee soo guryo-noqoshada.

Intaa waxaa dheer, shirka waxaa lagu dhisay guddi isku-dhafan oo ka kooban xubno ka socda hay’adaha amniga, kaasoo looga shaqeyn doono diyaarinta Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha dalka, iyo dib u eegista siyaasadaha la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka.

Tallaabadani waxay xoojinaysaa wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran, si loo hubiyo sugnaanta iyo xasiloonida xuduudaha Soomaaliya.

Shirka ayaa calaamad u ah dadaalka dowladda ee lagu horumarinayo amniga xuduudaha iyo la dagaallanka falalka dambiyeed ee saameeya nabadgelyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here