Shirkadda Dahabshiil oo $300,000 ugu deeqday dhismaha Buundada Baardheere

0

Shirkadda Dahabshiil group, oo ah hormuudka shirkadaha ee dhanka taageeradda iyo horumarinta bulshooyinka Soomaaliyeed, ayaa ugu deeqday lacag dhan $300,000 dib u dhiska Buundada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Buundadan ayaa wax weyn tari doonta isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana dhismaheeda muhiimad weyn u leedahay xoojinta xiriirka ganacsiga ee degmada Baardheere iyo deegaannada kale ee gobolka Gedo.

Masuuliyiinta, Gudidda dhismaha Buundada iyo bulshadda deegaanka Baardheere ayaa soo dhaweeyay deeqdan, iyaga oo sheegay in Buudadan ay tahay mid ay muddo dheer u baahnaayeen.

Dhisman buudadan ayay sheegeen in ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso horumarinta iyo isku xirnaanta bulshada, iyo sida shirkadda Dahabshiil Group uga go’antahay sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.

Shirkadda Dahabshiil ayaa horey uga qayb qaadatay mashaariic badan oo horumarineed iyo gargaar bini’aadantinimo oo ka dhacay dhamaan deegaanadda Soomaalidda, iyadoo si joogto ah ay uga go’an tahay taageeridda horumarka bulshada iyo baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here