Shirkii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga soo saarey War-murtiyeed

0

ANKARA [SMN] – Maanta waxaa magaalada Ankara ka dhacay kulankii ugu horeeyay ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo ku saleysan Heshiiska Ankara ee la ansixiyay 11kii Diseembar 2024.

 

Kulanka waxaa martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, waxaana ka qeyb galay wafdiyo kala duwan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar.

Heshiiska Ankara, oo ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed Ali iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane H.E. Hassan Sheikh Mohamud, ayaa bixiyey aragti horumarineed oo loogu tala galay mustaqbal dhaqaale iyo amni oo wanaagsan, iyadoo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu ka qeyb qaatay fududeynta heshiiskaas.

Kulanka maanta, labada dhinac ayaa muujiyay inay go’aan adag ka qaateen sidii Heshiiska Ankara loo hirgelin lahaa. Wafdiyada ayaa bilaabay shaqooyinka dhabta ah ee lagu dhaqan galin doono aragtida cusub, iyagoo qorsheynaya in la gaaro horumar waara oo labada dal ka faa’iideysan doonaan.

Labada dhinac waxay sidoo kale si buuxda uga mahadceliyeen taageerada Turkiga ee sii xoojineysa wada-shaqeynta, iyadoo la rajeynayo in kulanka farsamo ee xiga la qabto bisha Maarso 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here