Fashil xoogan oo hareeyay shirkii golaha wadatashiga qaranka + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday shirka golaha wadatashiga qaranka oo qaatay muddo lix cisho ah, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka uu hareeyay fashil xoogan, kadib markii la’isku fahmi waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Fashilka ayaa waxaa bannaanka keenay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo gebi ahaan isaga baxay shirka, isaga oo maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay mowqifkiisa diidmada ah, wuxuuna ka biyo diiday isku dayo waqti badan qaatay oo lagu doonayay in lagu qanciyo, si uu shirka u guuleystay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu si cad uga biyo diiday qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, iyada oo haatan dib loo dhigayo doorashooyinka maamul goboleedyada, laakiin waxaa ku gacan seeray Axmed Madoobe, wuxuuna ku adkeystay in Jubbaland uu ka qabanayo doorasho dadban oo waqtigeeda ku dhacda, si looga baaqsado muddo kororsi.

Illaa iyo hadda ma jiro go’aanno kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran ama war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha shiray.

Shirkan waxaa horay uga maqneyd Puntland, waxaana hadda ay u muuqataa in Jubbaland ay raacday, taas oo keeneysa culeys kale oo siyaasadeed oo ay wajihi doontondowladda dhexe.

Dhankooda mucaaradka ayaa ka digaya qorshaha Villa Soomaaliya ee u aadan muddo kororsiga, waxaana maanta Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay la safteen Axmed Madoobe oo ay ku taageereen go’aanka uu ka qaatay muddo kororsiga.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa laga war dhowrayaa tallaabada xigta ee ay qaadaan madaxda kale ee ka qayb-galay shirka golaha wadatashiga qaran ee uu ugu horreeyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here