Kismaayo – Shirkii magaalada Kismaayo ee socday intii u dhaxaysay 18–20 December 2025, ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed kama dambeys ah oo ka digaya qalalaase siyaasadeed inuu ka dhaco dalka.
War-murtiyeedka ayaa ku baaqay midnimo qaran, ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo in la furo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo yareeyo khilaafaadka loona xoojiyo xasilloonida dalka. Ka-qaybgalayaashu waxay si cad u adkeeyeen in Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012 uu yahay saldhigga sharciyeed ee kaliya ee dalka, isla markaana ay diideen tallaabooyin siyaasadeed oo hal-dhinac ah.
Sidoo kale, shirku wuxuu si xooggan uga horyimid kordhin muddo xileed oo ka baxsan xilliga dastuuriga ah, isagoo xusay in aysan jiri karin wax muddo kordhin ah ka dib bilaha April–May 2026.
Ka-qaybgalayaasha shirka ayaa ku boorriyay hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo maamul goboleedyada inay si wadajir ah u xoojiyaan la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana la ilaaliyo xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta.
Ugu dambayn, war-murtiyeedku wuxuu ku baaqay diyaarinta wadahadal qaran oo ballaaran oo lagu soo celinayo kalsoonida siyaasadeed, lagu xoojinayo nidaamka federaalka, laguna xaqiijinayo mustaqbal xasilloon oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.








