Kigali, Rwanda — Waxaa magaalada Kigali lagu soo gabagabeeyay shirkii Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee dalalka Afrika, kaas oo ay Soomaaliya ku metelayeen Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.
Shirka oo socday dhowr maalmood ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ciidamada dhulka ee dalalka Afrika, si looga jawaabo caqabadaha amni ee ka jira qaaradda.
Ka-qaybgalayaasha shirka ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta tooska ah ee dalalka, lana adkeeyo xiriirka ciidamada ee dhinacyada tababarka, xog-wadaagga iyo howlgalada wadajirka ah.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la is-weydaarsado khibradaha iyo farsamooyinka la xiriira ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo si isa soo taraysa ugu adeegsanayaan kooxaha argagixisada qaar ka mid ah dalalka Afrika.
Shirka ayaa lagu heshiiyay in la sii joogteeyo kulamada noocan ah, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka ciidamada iyo amniga ee wadamada Afrika, loogana hortago khataraha wadajirka ah ee qaaradda ka jira.




