MUQDISHO, Soomaaliya — Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, iyadoo kulanku uu si xowli ah uga socdo magaalada Muqdisho.
Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diiradda saaraya doodo cilmiyeedyo muhiim ah oo ku saabsan kaalinta dowlad-wanaagga ee xasilloonida iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Maanta, waxaa shirweynaha lagu soo bandhigay doodaha la xiriira amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada Xoogga Dalka ay ka gaareen kooxda Khawaarijta, iyo sida looga faa’iideysan karo waaya-aragnimadaas si loo adkeeyo amniga guud ee qaranka.
Shirweynaha waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Muqtaar Roobow, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyo culumaa’udiin ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.
Ka qeyb galayaasha ayaa fursad u helay inay su’aalo weydiiyaan culimada, borofisarada iyo aqoonyahannada ka qayb qaadanaya doodaha, taas oo ka dhigaysa madasha mid furan oo si xirfad leh lagu falanqeynayo arrimaha ku saabsan diinta, dowladnimada iyo amniga.
Shirweynaha ayaa lagu wadaa inuu sii socdo maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in laga soo saaro talooyin iyo qodobo muhiim u ah horumarinta dowladnimada iyo bulsho-wanaagga Soomaaliyeed.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

