Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho — Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka xubnaha ka ah ururkan.

 

Sanadkan, shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta Aagga Wax-soosaarka ee dalalka Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), si loo dardar-geliyo horumarka dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsi ee gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkan, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga wadamada xubnaha ka ah ururka.

Shirkan muhiimka ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya madaxda qaranka, wasiirro, iyo wufuud caalami ah, waxaana looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa ganacsiga, maalgeshiga, iyo xiriirka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here