MUQDISHO (SMN) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay tallaabada dowladda Soomaaliya ay Kenya uga soo xirtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo loo haysto inuu taageerayay Al-Shabaab.
Ismaaciil Daahir ayaa dowladda ka dalbaday inay tallaabo ka qaado Sufyaan Taakeeye iyo ragga kale ee baahiya fikradaha xagjirka ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay ka qayb qaadan doonto sugidda amniga dalka iyo in laga adkaado Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliyeed ay hadda dagaal kula jirto kooxda, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la beegsado dadka ku fikirka ah.
Sufyaan Taakeeye oo ay shalay gacanta kusoo dhigtay Hay’adda NISA ayaa wejihi doono maxkamad, waxaana loo haystaa inuu faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Al-Shabaab.