Siyaasiyiin iyo xildhibaano oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay siyaasiyiinta Muqdisho iyo qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ay ku yeesheen caasimada, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

 

Kulankan oo ka dhacay hoyga madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh shariif Sheekh ayaa waxaa ka qayb galay siyaasiyiin saameyn leh, xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soonaaliya.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo dhibaatada heysata Shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa inoo sheegay in xildhibaannada ay si weyn uga hadleen culeyska ay wajahayaan ganacsatada, gaar ahaan dhinaca dowladda iyo sidoo kale kuwa uga imaanaya dhanka Al-Shabaab oo bilaabay inay beegsadaan xarumaha ganacsi ee caasimada iyo duleedkeeda

Falanqeyn dheer kaddib xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ayaa isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.

Dhinaca kale waxaa shirkan lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, waxayna xubnaha shiray ay wax iska waydiyeen qorshaha dowladda ee ku aadan doorasho qof iyo cod ah iyo sida ay uga dhici karto.

Shirarka ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, si dowladda cadaadis loogu saaro dhammaan arrimaha ay diidan yihiin mucaaradka oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaana uu weli khilaaf xoogan uu ka jiro hannaanka loo wajahayo.

Soomaaliya ayaa haatan gashay marxalad cusub oo siyaasadeed, waxaana xiisad horleh ay ka dhex-qaraxday madaxda dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here