SoDMA iyo OCHA oo ka shiray xaaladda abaaraha iyo qorshaha ka jawaabcelinta bani’aadnimo ee 2026

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadamnimada, ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha SoDMA iyo OCHA.

 

Kulanka, oo ka dhacay xarunta Hay’adda SoDMA ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, dhamaystirka iyo daahfurka baahiyaha bani’aadnimo, iyo qorshaha ka jawaabcelinta bani’aadnimo ee Soomaaliya ee sannadka 2026.

Intii uu socday kulanka, masuuliyiintu waxa ay sidoo kale falanqeeyeen hoos u dhaca ku yimid taageerada gargaarka bani’aadnimo ee caalamiga ah, iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay si dhow isaga kaashadaan maaraynta iyo ka jawaabista xaaladda bani’aadamnimo ee dalka, si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo caqabadaha kale ee jira.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo helo jawaab bani’aadnimo oo wax loo qawanayo xaaladaha abaar ee ka taagan qeybo ka mid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here