MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin, ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlay xaaladda abaarta cusub ee dalka ku soo korortay, iyadoo kulanka uu qeyb ka ahaa Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qiimeynta baahiyaha degdegga ah ee ka dhalanaya abaarta, sidii loo dardargelin lahaa isu-duwidda gargaarka bani’aadannimo, iyo dejinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yareynayo saamaynta abaartu ku yeelatay bulshada nugul ee ku dhaqan meelaha ugu daran.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin, oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa sheegay in xaaladda abaartu ay u baahan tahay jawaab degdeg ah oo mideysan. Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo taageerada iyo gurmadka loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay, si loo ilaaliyo noloshooda loona yareeyo halista sii kordheysa ee macluusha iyo biyo la’aanta.
George Conway ayaa dhankiisa muujiyay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay xoojiso wada-shaqeynta iyo taageerada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si hufan loo gaarsiiyo gargaarka dadka ugu baahan.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynta abaarta, iyadoo hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ay isku dayayaan inay ka hortagaan in xaaladdu ka sii darto.




