Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda ku qaabbilay Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, ahna Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta habraacyada lagu fulinayo Qorshaha Ka Hortagga iyo U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada (FSCPP), iyadoo la isla falanqeeyay sida loo xoojin karo tallaabooyinka looga hortagayo xaaladaha degdegga ah ee la xiriira cunno yari iyo abaaraha dalka ka jira.
Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Sugnaanta Cunnada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimo.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la dhiso guddi wadajir ah oo hoggaamin doona isku-duwidda iyo dabagalka fulinta qorshaha, si loo hubiyo in si wax ku ool ah loo hirgeliyo barnaamijyada la xiriira sugnaanta cunnada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo dardargeliyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadamnimo iyo kor u qaadista u adkaysiga bulshada ee saameynta abaaraha iyo masiibooyinka kale.





