MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdille, iyo Madaxa Isku-duwidda Gargaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mr. Georg Conway, ayaa yeeshay shirkii billaha ahaa oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, iyada oo laga baqayo in roobka Deyrta ee sanadkan uu yaraado, taas oo halis ugu jirta in ay dhaliso abaaro ba’an oo saameeya bulshooyinka nugul ee ku nool qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Intii uu socday shirka, ayaa sidoo kale laga hadlay dadaallada lagu xoojinayo helidda dhaqaale gudaha iyo dibedda, si wax looga qabto baahiyaha bani’aadanimo ee sii kordhaya. Waxaana laga arrinsaday doorka muhiimka ah ee uu leeyahay Sanduuqa Qaranka ee Dhaqaalaha Bani’aadanimo, oo ay dhawaan dhistay dowladda Federaalka si loo dardar-geliyo taageerada dadka u baahan.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in mudnaanta la siiyo dadka ugu nugul masiibooyinka, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay adag tahay in la gaaro. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si gargaarka loo gaarsiiyo si hufan, waqtiyeysan, oo ku saleysan baahi dhab ah.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo in Soomaaliya ay si wanaagsan uga hortagto, ugana jawaabto xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada iyo duruufaha bani’aadanimo.




