SoDMA oo Daahfurtay Mashruuc cusub si loo Xoojiyo Awoodda Dowladda ee Maareynta Musiibooyinka

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana taageerayo Bangiga Adduunka.

 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda dowladda iyo hay’adaha la shaqeeya ee ku howlgan maareynta musiibooyinka, si ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha aafada dabiiciga ah, ka hor inta aysan sababin barakac iyo khasaare naf iyo maal leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sulaymaan, iyo mas’uuliyiin kale oo dowladeed ayaa ka qaybgalay shirka, iyagoo soo bandhigay qorsheyaal lagu taageerayo iskaashiga u dhexeeya SoDMA, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Adduunka.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa tilmaamay in mashruucan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo awoodda dowladda ee u adkeysiga iyo la qabsiga musiibooyinka, xilli uu hoos u dhacay maalgelinta arrimaha bani’aadannimada.

Wuxuu xusay in Cat DDO uu ka mid yahay mashaariicda muhiimka ah ee gacan ka geysan doona yareynta saameynta musiibooyinka iyo kor u qaadidda awoodda dalka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.

May be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of studyingMay be an image of one or more people, people studying and textMay be an image of text that says "37:32 Take control Pop out Chat People Rase 目 React View Notes Apps More Camera SOMALIA DISASTER RISK MANAGEMENT DEVELOPMENT POLICY FINANCING WITH A CATASTROPHE DEFERRED DRAW DOWN OPTION (CAT DDO) OVERVIEW AbdiTawane(Unverfied) Unverified) November November3,2025 3, 2025"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here