SoDMA oo dhisaysa xarun qaabilsan dhaawacyada gurmadka u baahan

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta cusub ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg-dega ah oo haatan dhismaheedu marayo heer gabagabo ah, taas oo lagu dhisayo dhaqaale ay iska aruuriyeen Shacabka Soomaaliyeed.

 

Xaruntaan oo ay hirgalinayso SoDMA ayaa laga dhex dhisayaa gudaha isbitaalka weyn ee Madiina, waxana guddoomiyuhu uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha xaruntan, isagoo shahaado sharaf guddoonsiiyay agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Cabdiraxmaan iyo shaqaalaha isbitaalka, taasoo ay ku muteysteen sida ay ugu adeegaan bulshada.

Guddoomiyaha ha’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in wada-shaqeyn dhaw ay ka dhaxeyso SoDMA iyo maamulka Isbitaal Madiina, marka ay timaaddo xaaladaha gurmadka deg degga ah, isagoo ku aammanay sida ay marwalba ugu adeegaan ummada Soomaaliyeed.   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here