Muqdisho — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo gaaraysa $1,000,000 oo ay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Deeqdan waxaa xarunta SoDMA ku wareejiyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr. Wang Yu, iyadoo Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle uu sheegay in lacagtaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonto dardargelinta howlaha gurmadka degdegga ah, gaar ahaan gaarsiinta raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah dadka nugul ee ay abaaruhu si weyn u saameeyeen.
Safiirka Shiinaha, Mr. Wang Yu, ayaa dhinaciisa sheegay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee lagu yaraynayo xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira dalka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xaqiijiyay in hay’addu ay sii xoojin doonto wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Shiinaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, si loo hubiyo in gargaarka si hufan oo degdeg ah loo gaarsiiyo bulshada ugu nugul ee u baahan taageerada.




