MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Magaalooyinka Camaara, Wisil iyo tuulooyinka ku xeeran ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab u dirtay shixnad gargaar ah taas oo loogu talagalay bulshada ku nool oo ay saameyn ka soo gaartay daadadka El-Niño.
Sidoo kale goobahaan oo horay Al-Shabaan looga xoreeyey ayaa bulshada ku nool waxa ay wajahayaan xaalad adag madaama lagu haayay dhibaato ba’an, waxaana lagu wadaa in gargaarkaan loo qaybiyo shacabka halkaas ku nool.
Gargaarkaan ayaa garaya 40-tan waxaana ay ka koobantahay Raashin iyo Timir.
SoDMA ayaa waxaa ka go’an caawinta iyo gargaarida bulshada Soomaaliyed, waxaana maalmihii u dambeeyey gargaarkii ugu badnaa ay hay’adda SoDMA u dirtay deegaanada Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.